Xasan Sheekh iyo Erdogan oo caawa labo qodob oo xasaasi ah ka wadahadlay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay kor u qaadista iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweynayaasha ayaa si gaar ah uga wadahadlay arrimaha tamarta iyo difaaca oo labada dal ay si gaar ah uga wadashaqeynayeen waayihii dambe.

Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu garab taagan yahay midnimada dhuleed, midnimo iyo dadaallada ku saabsan halganka Soomaaliya looga xoreynayo argagixisada.

Baarlamaanka Turkiga ayaa maalin ka hor ansixiyey heshiiskii labada dal, horayna baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyey, waxaa hadda bilaabanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, waxaana Soomaaliya ku soo wajahan maraakiib dagaal iyo kuwo baaritaan ku sameynaya shidaalka ceegaaga badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga ayaa imaadoona dalka toddobaadyada iyo bilaha soo socda, waxayna saldhigyo ka sameysa doonaan gudaha badda, beriga iyo xeebaha, sida dhulkii Iskuul Buuluusiya ee Muqdisho oo dhowaan qabuurihii ku aasnaa laga soo fagay.

Sidoo kale waxaa jira saldhigyo kale oo xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada Turkiga ay ka sameysa doonaan Hobyo, Kismaayo, Baraawe, Seylac iyo goobo kale oo istiraatiiji ah oo laga ilaali karo badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga waxay ka qeyb qaada doonaan dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah duqeymaha, tababarrada oo markii horaba socday iyo daboolidda baahiyaha militeri ee ciidamada Soomaaliya ay wajahayaan.



Source link