Xasan oo guddoomiyay shir xasaasi ah oo ku saabsan biyaha Soomaaliya + Sawirro

Posted on

Beijing (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing.

Shirkaan ayey hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha uga wada-hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha.

Wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga Axmed Xasan Aadan ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta dhaqaalaha buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga.

Shir doceedkan waxaa ka qeyb-galay daneeyayaal muhiim ah wuxuuna ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha si loo gaaro koror dhaqaale.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda.

Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid.

Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka.

Si kastaba, shir doceedkaan ayaa ahaa madal loogu tala-galay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirri-gelinaya iskaashiga labada dowladood si loo hormariyo koritaanka dhaqaale waara.



Source link