Xamza oo kulan laba ujeedo leh la qaatay madaxda laba maamul

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hoygiisa kulan muhiim ah kula yeeshay madaxweyne ku-xigeennada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Cali Daahir Ciid iyo Maxamuud Sayid Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada masuul ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda deegaannada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland, iyaga oo Xamza la wadaagay duruufaha ka jira deegaanada labada maamul.

Intii kulanka uu socday waxaa diirada la saaray la-dagaalanka argagixisada, ayada oo ra’iisul wasaaraha kula dardaarmay in ay xoojiyaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuna dadaalaan sidii looga sifeyn lahaa meelaha ay kaga harsan yihiin deegaannada Galmudug iyo Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeennada labada maamul ayaa dhankooda uga mahad-celiyay ra’iisul wasaaraha soo dhaweynta uu u sameeyay iyo wada-shaqeynta kala dhaxeeysa dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeennada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland ayaa horay sidan oo kale ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dastuurka, doorashooyinka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Dhincyada ayaa is dhaafsaday aragtiyo iyo sida loo wajihi karo marxaladda kala guurka ah, ayada oo ujeedka kulanan uu yahay mid Villa Somalia ugu diyaarabeyso doorashooyinka soo socda iyo isbeddalla la filan karo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana is haya dowladda iyo mucaaradka, ayada oo halkeedii weli tahay xiisadda Itoobiya.



Source link