Xamse Barre oo ka qeyb galaya Shir nuuciisa cusub yahay oo ka furmay Seoul (Sawirro)

Posted on




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad  xasaasi ah.

Xamsa Barre ayaana khudbadiisa kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Barre ayaana la filayaa inta uu joogo magaalada Seoul in uu kulamo la qaato qaar kamid madaxda ka qeyb galeysa shirka, kuwaa uu kala hadli doono xaalada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link