Wiil suxuun dhaqe ahaa oo la afduubtay iyo ragii afduubtay oo la qabtay

Posted on

Wiil Dhallinyaro oo magaciisa lagu soo koobay Radhakrishnan, una dhashay dalka Hindiya ayaa waxaa bil ka hor laga qafaashay gudaha dalka Turkiye.

Wiilkaasi oo Saxuun-dhaqe ka ahaa Baar ku yaalla magaalladda Istanbul ee dalka Turkiye waxaa qafaashay 3 Nin oo Pakistani ah, kuwaasi oo ka dalbaday Lacag Madax Furasho oo dhan 2 milyan ee Lacagta Rubiga Hindiya (two million Indian rupees) oo u dhiganta ilaa 24,000 oo Dollarka Maraykanka.

Boliska dalka Turkiye waxay shalay oo Axad ahayd sheegeen inay gacanta ku soo dhigeen 3 Pakistaani Magangelyo-doon ahaa, kuwaasi oo ku eedeysan inay Muwaadin Hindi ah ku afduubteen magaalladda Edirine.

Wararka ayaa sheegay in ay Afduubayaasha bil ka hor u sheegeen Dhibanaha inay Shaqo Turjumaan uga heleen Shirkad, waxayna u kaxeeyeen magaalladda Edirne.

Boliska Turkish-ka waxay Warbaahinta Maxaliga u sheegeen inay fuliyeen Hawlgal lagu soo badbaadiyey Dhibanaha oo Lugaha iyo Gacmaha la xiran, iyadoo Afduubayaasha ay Muuqaalo u direen Qoyska Dhibanaha oo ay ku cabsi geliyeen iyo inay bixiyaan Lacagta Laaluushka.

Dhinaca kale, Boliska waxay Hawlgalkaasi ku soo qabteen Afduubayaashii, Hub sharci daro ah, 4 Bistoolad iyo Lacag aan cadadeeda la shaacinin.

Sidoo kale, Boliska waxay qabteen Muwaadin Turkish ah oo la sheegay inuu Afduubayaasha siiyey Hoy ay gabaad ka dhigteen.

W/,T staad Nuradin Abuukar

Source link