Wax loo maleenayo in ay yihiin Drone ama gantaal oo kusoo dhacay degmada Taleex

Posted on

Wararka ka imaanay degmada qadiimiga ah ee Taleex kana tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay qeybo kamid ah degmadaasi kusoo dhaceen wax loo maleenayo in ay yihiin diyaarad Drone ah ama gantaal lasoo riday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqleen qarax kaddibna ay arkeen holac ka baxaya halka ay walxahan kusoo dhaceen, waxaana saakay markii la tagay halkaasi lagu arkay wax u eg diyaarad drone ama gantaal oo goobtaasi kusoo dhacay.

Wali si dhab ah looma oga waxa ay yihiin walxahan qarxay ee xalay kusoo dhacay qeybo kamid ah degmada Taleex, waxa ayna dadkii arkay sheegeen in uu u muuqdo gantaal soo habaabay ama diyaarad drone ah oo halkaasi kusoo dhacday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay suurto gal tahay in waxan loo maleeyo gantaal uu yahay mid ka yimid dhinaca dalka Yemen, mana jiro ilaa hadda cid si rasmi ah u xaqiijin karta walxahan iyo waxa ay yihiin.

Maamulka Khaatumo ee ka taliya gobolka Sool ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin, waxaana la sheegay in aagaasi loo diray saraakiil iyo ciidan , si ay baaris ugu soo sameeyaan waxa ay yihiin walxahan qarxay ee kusoo dhacay degmada Taleex.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link