Muxuu yahay heshiiska Dhiibidda dembiileyaasha ee Soomaaliya la gashay Turkiga?

Posted on

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay galeen heshiis iskaashi dhanka iweydaarsiga dambiileyaasha, maxaabiista iyo eedeysanayaasha ah.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ay shalay ansixiyeen golaha wasiirada ayaa waxaa uu ka kooban yahay afar qeybood waxaana diiradda lagu saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Qodobka dareenka iyo muranka badan dhaliyay ayaa ah midka , Dhiibidda eedeysanayaal ama dembiileyaasha.

Qaar ka mid ah khubarada iyo siyaasiyiinta ayaa ka digay saameynta uu yeelan karo qodobkan ku saabsan isu soo gacan galinta eedeysanayaasha ama dembiileyaasha.

Maxaa loola jeedaa qodobkan?

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa sheegay in heshiiskan aysan jirin sabab looga baqo .

Wasiirka  ayaa sheegay in heshiiskan uusan ahayn mid ugub ah islamarkaana uu yahay mid caalami ah oo ay si laba geesood ah u galaan dowladaha.

“Waddamada waxaa jira heshiisyo ay galaan labada dal oo xiriir laba geesood ah ka dhaxeeyo, heshiisyadaa waxaa la yaraahdaa Extradition, qof baa dambi ka galaya wadanka markaa dalka kale ayaa soo dalbanaya marka taas hadda waan kala saxiixanay golaha wasiirada ayaana la marsiiyay,” ayuu Mr Xasan Macalin.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa meesha ka saaray cabsida ah in heshiiskan ay dowladda u adeegsato arrimo siyaasad.

Waxaa uu sheegay in heshiiskan isu gudbinta dambiilayaasha iyo eedeysanayaasha uusan siyaasad iyo mucaarad midna quseyn islamarkana uu yahay mid caalamka oo dhan ka jira.

“Dhiibid eedeysanayaasha ama dembiileyaasha wax mucaarad iyo siyaasad ah ma aha , isu soo gacan galinta waxaa uu leeyahay qaabab sharci ah oo maxkamado ayuu maraa labada wadan-ba marka qofka dambiga halkan ka galay cadeymihiisa ayaa la geynayaa” ayuu yiri Mr Xasan Macalin.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay in ay xukuumadda hadda jirta ay xaqiijin doonto in heshiiskan aan loo isticmaalin arrimo siyaasadeed.

“Waxaan u xaqiijinaynaa in u jeedo siyaasadeed ana loo isticmaali doonin sharcigeena, caddaaladeena iyo garsoorkeena, dano siyaasadeed wax ku dhex jiraan garsoorkeena iyo caddaaladeena lama soo dhexgalinayo,” ayuu intaa ku daray.

Balse qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa shaki ka qaba heshiiskan cusub oo waxa ay sheegayaan in garsoorka Soomaaliya uusan xillligan u diyaarsaneyn heshiis noocaasi ah.

Xasan Xundubeey Jimcaale oo horey u ahaa wasiirkii amniga Soomaaliya ayaa ka mid ah dadka qaba fikirka ah in heshiiskani iyo kuwa kale oo ay dowladda gashay uu mugdi badan ku gadaman yahay.

“Meesha mugdi badan ayaa ku jira, mugdiga kuma koobna heshiiskan oo kali ah ee waa heshiisyadii faraha badnaa ee ay Soomaalidu galeysay,” ayuu yiri Mr Xundubeey.

Mr Xundubeey ayaa farta ku fiiqay in waxyaabaha walaaca keenaya ay ka mid tahay cidda leh go’aanka.

ayna jiraan su’aalo badan oo ay tahay in laga jawaabo taasi oo ay ka mid tahay cidda yeelanaysa go’aanka in qofka dambiilaha ee la so dhiibayo.

“Walwalku wuu muuqdaa, heydahii isu dheelitirka sameynayay is-korjoogteynayay, golihii garsoorka iyo maxkamadihii dastuurka ay ugu waaweynaayeen haddii ay meesha ka maqan yihiin waxaa meesha imanaysa in qorsho qabyo ah wax lagu qabto” ayuu yiri xundubeey.

Xildhibaan Cali Mahad Maxamed oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankiisa qaba in ay jiraan hay’ado badan oo ay ahayd in la dhiso ka hor inta heshiisyada noocan oo kale ah la galin.

Waxaa uu sidoo hoosta ka xariiqay inay jiraan heshiisyo badan oo ay xukuumadda gashay oo aan baarlamaanka la keenin.

“Heshiisyo badan oo tira badan ayay xukuumaddu gashaa baarlamaankana ma keento, waxaa kale oo asal u ah heshiiska noocaas oo kale ah marka la galayo, anaga guddiga adeegga garsoorka nooma dhisno maxkamada dastuuriga ma dhisna marka anaiga waxaan u arkaa guri la rabay in asaaska la dhiso oo kor laga soo dhisay,” ayuu yiri Xildhibaan Xildhibaan Cali .

Abukaate Cabdi Qaadir Maxamed sheekh(Sheylilaah) oo ah garyaqaankii lagala tashaday heshiisyadan afarta ah ee dhanka caddaalada ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa uu ku qotomo heshiiskan.

“Saddexda heshiis waxay ahaayeen oo la isku yiraahdaa isku darkooda heshiisyada is kaashiga garsoorka ee caalamiga ah, dhammaan dowladaha heshiisyadaasi o kale way galaan,” ayuu yir abukaate Sheylilaah.

Abukaataha ayaa difaacay heshiiskan oo u sheegay in uu ahaa mid xilligan loo baahnaa islamarkana dambiyada qaar ay xuduudaha ka gudbaan.

Arrimaha garsoorka qaarkood xuduudaha ayay ka talaabayaan dalka, waxaa dhici karta qof fal-dambiyeed dil ah Soomaaliya ka geystay inuu iska cararo oo uu tago dal kale marka waxay arrintan la xiriirtaa in dadkaasi dacwadaha ay ku socdaan in ya maxkamadihii ay u baahdaan in qofkaasi la keeno, ayuu intaa ku daray.

Muxuu yahay sharciga extradition?

Waa Qofka dambi galay ama lagu eedeeyo inuu galay waxa inta badan lagu maxkamadeeyaa dalka uu dambiga ka dhacay .

Balse maxaa dhacaya marka qofku uu ka cararo waddanka uu dambiga ka galay si uu uga baxsado maxkamadaynta? Mise, ka waran haddii qof dambiile ah uu ka soo cararo dalkii uu dambiga ka galay ee xukamay.

Xaaladahan oo kale, waddankii uu ka soo cararay dembiilaha ama eedaysanaha ayaa si rasmi ah u codsada waddankii u cararay in loo soo celiyo.

Hab-raaca dib loogu soo celinayo eedaysanaha ama dambilaha ka soo baxsaday dalkii uu dambiga galay ayaa waxaa lo yaqaanaa (extradition).

Waddamada intooda badan waxay diidaan inay u gacan geliyaan muwaadiniintooda oo lagu eedeeyay inay dambi ka galeen waddanka kale; Wadamadan oo kale waxay ku doodaan inay xaq u leeyihiin inay difaacaan madax banaanida Qaranka iyo muwaadiniintooda, inkasta oo dembigu uu ka dhacay waddan kale.

Mid ka mid ah arrimaha ugu badan ee lagu muransan yahay ee soo dhiibista ayaa ah in dalal badan ay diidaan in ay dhiibaan dembiilayaasha dhanka siyaasadda.

Axdigii (1949) ayaa ah mid ka mid ah heshiisyadii ugu horreeyay ee ka hadlayay isu-celinta dambiilayaasha iyo eedeysanayaasha ilaa xad; wuxuuna sharcigan aqoonsanayaa in dalalka ay gaari karaan heshiis ku saabsan isu soo gacan galinta dadka dambiilayaasha iyo eedeysanayasha.

wixii xilligaasi ka dambeeyay, wadamada badankoodu waxay saxiixeen heshiisyo laba geesood ah oo ku saabsan isu soo celinta dambiilayaasha iyo eedeysanayaasha.

Source BBCSomali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link