Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo arrimo dalkeenna muhiim u ah kala hadlay Keith Hansen

Posted on

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda Bangigu ka fuliyo Soomaaliya oo ah kuwo waxtar u keh, Dowladda iyo Bulshada intana.

Sidoo kale kulanka waxaa laga wada hadlay kadib barnaamijkii deyn cafinta, sidii loo balaarin lahaa taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya, iyo fulinta mashaariic horey bangiga u ballanqaaday.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee sida joogtada ah u taageera Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku leeyahay mudnaan gaar ah gudaha dalka Soomaaliya.

Source link