Wasiirka arrimaha dibadda Masar oo ka hadlay 4 arrimood oo Soomaaliya muhiim u ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Badr Abdelatty ayaa maanta yimid Muqdisho, wuxuuna la socday diyaaradda Egypt Air oo Soomaaliya ka bilaabeysa duulimaad toos ah, waa duulimaadkii ugu horeeyey 30 sano oo Soomaaliya burbursadeen kadib.

Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyey qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cadde, isagoo muujiyey in dowladda Masar ay taageero weyn u heyso Soomaaliya, isagoo ka hadlay kursiga aan joogtada aheyn ee Soomaaliya ay ka heshay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

“Waxaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, uga hambalyaynaya munaasabadda xuska maalinta xorriyadda, iyo sidoo kale doorashada Soomaaliya ee xubinnimada Golaha Ammaanka oo dhaqangaleysa bisha Janaayo ee socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Wasiir Badr ayaa sheegay in Masar ay ka go’an tahay inay taageero u fidiso Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u rajaynayaan inay ku guuleysto xilka gudashada kursigaas, isla markaana ay noqoto Soomaaliya xubin adag oo ka tirsan golaha.

“Mudanayaasha sharafta leh, sida aad ogtahiin gobolka waxaa ka taagan caqabado horleh oo u baahan in aan dadaalkeenna isku geyno oo aan si dhow uga tashano, anagoo ka duulayna xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iyo in la isku duwo wada-shaqeynta ku aadan arrimaha kala duwan sida Ixtiraamka mabaadi’da deris-wanaagga iyo in laga fogaado fargelinta arrimaha gudaha ee dalalka,” ayaa yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa intaas ku sii daray “Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan caddeeyo sida buuxda ee Masar ay u taageersan tahay midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyo diidmada qayaxan ee Masar ay ku diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.”

Munaasabadda xarigga looga jarayay duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypr Air oo ka mid noqon doonta duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada garoonka Caalamiga ah ee diyaaraddaha Aadan Cadde oo ka dhacday garoonka ayay si wadajir ah xarigga uga jareen Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ay wehliyeen Wasiirada Gaadiidka labada dal.

Arrintan ayaa waxay astaan kale u noqoneysaa ahmiyadda Masar u leedahay Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ahaa ee labada dal, kaddib khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya.

 



Source link