R/W Xamza oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan dagaalka ka socda PUNTLAND

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta Tiyaatartka Qaranka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka ay Puntland ku qaaday Daacish.

Xamza ayaa si weyn u taageeray howlgallada ka socda gobolka Bari, isaga oo ku bogaadiyay ciidamada Puntland u dhaqaaqay buuraha ay ku jiraan xubnaha Daacish.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay garab taagan tahay Puntland, isla-markaana taageero nooc waliba ay diyaar ula tahay.

“Dowladda Federaalka waxa ay si buuxda u garab taagan tahay ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee dagaalka kula jira cadowga Daacish, waxaanan ugu hambalyeynayaa guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka cadowga” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Shalay dowladda dhexe oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa Puntland iyo shacabkeeda ku boggaadisay dagaalka ay u jiheysteen, si ay isaga xoreeyaan kooxaha argagixisada.

“Dowladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda dhexe.

Puntland ayaa howlgalkan oo ka socda gobolka Bari ugu magaca ndartay Hilaac, waxaana ujeedka uu yahay in dhulka buuraha looga saaro maleeshiyaadka kooxda Daacish.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *