Wasaaradda Amniga Puntland oo qiratay Dilka Axmed Saxane Ballanqaadna sameysay (Sawirro)

Posted on

Wasaaradda Amniga maamulka Puntland ayaa qaadatay masuuliyadda dil dhawaan ciidamada ammaanka magaalada Garawe u geesteen nin shacab ah , oo la sheegay in uu ahaa wade mooto Bajaaj.

Warqad kasoo baxday wasaaradda Amniga maamulka Puntland ayey ku qirteen in iyagu qaadayaan masuuliyadda dilka Marxuum Axmed Saxane Cabdi , kaas oo ku baxay gacanta ciidamo gaar ah oo loogu tala galay xaqiijinta amniga caasimadda Garawe.

Wasaaradda Amniga Puntland ayaana ka codsaday ehelada marxuumka oo la dilay Jimcihii hore in ay aasaan maadaama dhowr maalin filinjeer ku jiray, waxa ayna wasaaradu ballanqaaday bixinta diyada marxuumka la dilay.

Meydka marxuumka oo ay dileen ciidamada xasilinta caasimadda Garawe ayaa shalay lagu aasay magaalada Garawe, kaddib markii ehelada ku qanceen warqada qiraalka ah ee kasoo baxday wasaaradda Amniga ee Puntland.

Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay xasilinta caasimadda Garawe ayaa magaaladaasi ka bilaabay howlgallo looga hortagayo falalka ammaanka darro ay ku lug leeyihiin burcada, iyo sidoo kale kooxo cabtoy ah oo magaalada xaalad amni darro habeenkii ka abuura.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link