Wafdi uu hoggaaminayo Xasan Sheekh oo caawa gaaray Nairobi

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarro shaqo ku marayey dalalka gobolka Geeska Afrika ayaa safarka uu ku tegay Nairobi uga soo kicitimay Jabuuti.

Safarkaan uu ku jiro Xasan Sheekh ayaa gaar u ah dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda.

Xasan Sheekh ayaa waxaa caawa Nairobi uga bilaabanaya wadahadallo uu la yeelan doono dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Ruto.










Source link