Waa kuma Mohamad Mokhber ninka bedelaya Madaxweynihii geeriyooday ee Iran?

Posted on

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa xaqiijiyey in madaxweyne ku xigeenka dalka Mohammad Mokhber uu noqonayo madaxweyne ku-meel gaar ah kadib markii madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku geeriyooday shil diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

Khamenei ayaa sidoo kale ku dhowaaqay shan maalmood oo baroor diiq ah.

Iran ayaa waxa ay hadda haysataa ugu badnaan 50 maalmood oo ay tahay in lagu qabto doorasho madaxweyne si loo doorto qofkii beddeli lahaa Raisi.

“Waxaan ku dhawaaqayaa shan maalmood oo baroor diiq dadweyne ah, waxaana tacsi u dirayaa shacabka qaaliga ah ee Iran,” ayuu Khamenei ku yiri hadal ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA.

“Mokhber waxa uu maamuli doonaa laanta fulinta, waxaana waajib ku ah in uu madaxda hay’adaha sharci dejinta iyo garsoorka kala shaqeeyo doorashada madaxweyne cusub, ugu badnaan 50 maalmood gudahood,” ayuu yiri.

Sida uu qabo qodobka 131-aad ee dastuurka Iran, gole ka kooban madaxweyne ku-xigeenka koowaad, afhayeenka baarlamaanka iyo madaxa garsoorka waa in ay diyaariyaan habka doorashada madaxweynaha cusub.

Mokhber, si la mid ah Raisi, waxaa loo arkaa inuu ku dhow yahay Khamenei, kaasi oo leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha qaranka. Mokhber ayaa noqday madaxweyne ku xigeenka koowaad 2021 markii Raisi loo doortay madaxweynaha.

Source link