Tirada dadka ku dhintay Xajka oo korortay iyo tirada Soomaalida oo la shaaciyay

Posted on

Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay sannadkan Xajka, waxaana hadda la sheegay in tirada dadka dhintay ay kor u dhaaftay 1,000 qof oo kasoo kala jeedo waddamo kala duwan oo caalamka katirsan.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in dadka ku dhintay xajka intooda badan ay yihiin  dad aan diiwaangashanayn oo aan wadan ruqsadii xajka, kuwaa oo baaris ku socoto aqoonsiyadooda.

Dadka ku dhintay Xajka waxaa ka mid ah 658 qof oo ka soo jeeda dalka Masar, dadkan ayaana la sheegay in ay ahaayeen kuwa aan diiwaangashaneyn sida uu sheegay diblumaasi u dgashay dalka Masar.

Sida la xaqiijiyay dadka guud ahaan ku dhintey sannadkan Xajka ayaa ka soo kala jeeda 10 waddan, waxaana dadka dhintay badankood ay kasoo jeedaan dalal Carbeed, inkastoo aan si rasmi ah loo wada xaqiijin dal walbo inta qof ee ka dhimatay.

Tirada dadka Soomaaliyeed ee sannadkan ku dhintay Xajka ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan lix qof, kuwaa oo qaarkood la sheegay in Xajka kahor dhinteen, halka kuwa kalana dhinteen intii lagu guda jiray gudasha Xajka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link