Soomaaliya oo maanta xubin ka noqoneysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Posted on

xubin aan joogto aheyn ka noqdo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, marka ay dhacdo codbixinta golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York, waxa ayna goobjoog ka noqonayaan cod bixinta dhaceysa.

Kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ku fadhin doontaa muddo labo sanno ah oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025, waxa ayna tani Soomaaliya u noqoneysa guul weyn.

Soomaaliya waxaa ku biiraya afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama. Dhammaantood waxay hore uga soo mid noqdeen Golaha, iyada oo ay Soomaaliya ugu dambeysay muddo laga joogo 53 sano.

Shantan dal ee xubinta ka noqonaya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bedelaya dalalkan Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador, kuwaa oo usoo dhammaatay muddadii ay kuraastan ku matali lahaayeen dalalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link