SOOMAALIYA oo heshay taageero hor leh iyo dalal u digay ITOOBIYA

Posted on

Qaahira (Wararka Maanta) – Guddiga wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ayaa maanta xaqiijiyey taageerada xoogan ee qaraniada Soomaaliya, iyaga oo dalalkan uga digeen Itoobiya ku xad-gudub madax-banaanida dalkeenna.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayaa waxaa lagu xoojiyay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Shirkan oo qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heerka wasiirrada arrimaha dibedda, ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madax-banaanideeda.

Guddiga ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah ugu xaqiijiyey inay taageersan yihiin Soomaaliya, waxayna gebi ahaanba ka digeen fara-gelinta shisheeye ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo madax-banaanida Soomaaliya.

Sidoo kale waxay wasiiradda ugu baaqeen wadamada deriska ah gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara madax-banaanida dalka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Baxrayn, Muritaaniya, iyo Masar oo ay weheliyaan Safiirka Jabuuti u fadhiya Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiskii beenaadka Itoobiya ay ku doonayso in ay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya damaaciso.

Sidoo kale waxay dhanka kale mawqifkooda ku caddeeyeen in gobolada Waqooyi (Somaliland) ay yihiin qeyb ka mid ah dalweynaha Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaanka guddiga.

Bayaankan ayaa waxa kale oo uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah inay difaacaan oo ilaaliyaan qaranimada Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta ka madax-bannaan iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed.



Source link