Siyaasi sheegay Siyaasadda dalkeenna uu ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta aheyd

Posted on




Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in siyaasadda dalkeenna uu ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta, daacadnimada, aaminaadda, hufnaanta, cadaaladda, sinnaanta, xilkasnimada iyo isla xisaabtanka.

Waxa uuna intaa ku daray xildhibaanka in qaybaha kala duwan ee bulshada ee isku taagi lahaa toosinta siyaasada iyo difaaca danta guudna ay u kala baxeen kuwa dowlad kunool ah iyo kuwa indhaha ka qarsada oo dantooda kaliya fiirsada.

”Qaybihii kale ee bulshada ee isku taagi lahaa toosinta siyaasada iyo difaaca danta guudna waxay u kala baxeen:- 1- Ganacsato dantooda raacda oo aan dan guud iyo dowlad wax ku darsan, iyo kuwo dawlada la nool oo qandaraas ka qaata ama ka sugaya. 2- NGO layaal iyo kooxo adeeg la talinta (Consultants) ku shaqaysta oo aan waxba ka sheegi karin dowladda.
3- Culimo ku mashquulsan waano iyo wacdi la xariira akhlaaqda shakhsiga ah ee aan ku hawllanayn akhlaaqda dowladnimo, iyo kuwo dowladda fatwada iyo u qiildeyidda ku horbooda. 4- Warbaahin laga xoogsado oo subixii wax dhaliilaysa, galabkiina amaan tebinaysa, tabar iyo tayo la’aan ah, haatana ay ka awood bateen qaaqle dacaayad iyo aflagaado u joog ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay haddii la heli lahaa ganacsato, culumo iyo warbaahinta runta sheegta soona bandhigta khaladaadka dowladda in xaalku iska bedeli lahaa sida uu hadda yahay.
Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli ay qeybaha kala duwam ee bulshada ay indhaha ka fiirsanayaan hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo khaladaadka dowladda mararka qaar ka dhacaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link