Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Xubno u hoggaansamay baadda Al Shabaab

Posted on




Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo si dhaw ula socday isku dayo ay Al Shabaab si dhuumaaleysi ah baad ugu weydiisaneysay xubno ganacsato ah,ayaa gacanta kusoo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda,waxaana sidoo kale Ciidanka sirdoonku ku daba jiraan xubno kale oo la tuhunsan yahay.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay uga digeysaa Ganacsatada in ay u dhego-nuglaadaan isku dayada daciifka ah ee Khawaarijtu ay ku dooneyso in ay ku boobto hantidooda kaddibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

NISA ayaa sheegtay in uu waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed sidaas darteed waxaa la farayaa dadweynaha in ay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijtu.




Source link