Shir xasaasi ah oo u socda SHARIIF iyo Cali Guudlaawe + Ujeedka

Posted on

Jowhar (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan shir xasaasi ah uu gobolkaas uga socdo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Labada madaxweyne oo mar kale isugu tegay deegaanka Burka Dirineed ayaa haatan leh shir gaar ah oo looga hadlayo colaadaha kusoo laa laabtay gobolka.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirro, xildhibaanno iyo odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo colaadda beelaha ee ka jirta halkaasi.

Ujeedka shirka hadda socda ayaa ah mid lagu soo afjarayo gogol nabadeed oo muddo dheer tiilay deegaankan, waxaana lagu dhameynayaa colaadddii u dhexeysay beelaha Cabdalle Caroone iyo Celi Cumar oo marar badan ku dagaalamay halkaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aanno culus oo xal loogu raadinayo in mar kale uusan dhiig ku daadan deegaanada dhaca xeebta ee Shabeelaha Dhexe.

Horay sidaan oo kale laba beelood oo walaalo ah ayaa lagu heshiisiiyay Burka Dirineed, taas oo iyana lasoo gabagabeeyay todobaadyo ka hor.

Dib u heshiistan ayaa waxaa waqti badan geliyay madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kaashanaya HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Si kastaba, dadaalladan ayaa meesha ka saaraya colaaddii muddada dheer ka jirtay halkaasi, gaar ahaan dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil



Source link