Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo taageero xooggan loogu muujiyay dowladda Soomaaliya

Posted on

Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta, meertadiisa 33-aad oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Baxreyn ayaa mar kale taageero loogu muujiyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan shirka laga soo saaray ayaa ay si hagar la’aan ah loogu taageeray madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo midnimada Soomaaliya si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda iyo ka hortagga tallaabo kasta oo wax u dhimi karta.

Sidoo kale wadamada Jaamacadda Carabta waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka Khawaarijta, sugidda amnigeeda, xasilloonida, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay shirkaan, ayaa madaxda kale la wadaagay dadaalada iyo horumarka weyn ee dowladda ka gaartay dagaalka Argagixisada, sugida amniga iyo hormatinta dhaqaalaha iyo dowladd wanaaga.

Source link