Sheekh Shariif oo ka digay abaabul qabyaaladeysan oo uu sheegay inuu ka socdo…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay wax uu ugu yeeray abaabulka qabyaaladeysan ee baryahan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquulsan yihiin kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif. 

WAR-SAXAAFADEED 

Waxaan aad uga xumahay abaabulka qabyaaladeysan oo baryaan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya, kaasoo dhawacaya wadajirka umadda Soomaliyeed iyo masiirkooda, sidaa awgeed, waxaan kadigayaa fal kasta oo dhaawici kara madaxbannaanida dhuleed, Badeed iyo cireed ee Soomaaliya, waaxana u arkaa dariiqa kaliya ee aan ku difaaci karno dalkeena inuu yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegayn degaan, koox iyo qabiil toonna.

Waxaan ka xumahay in madaxda dowladdu ay ku mashquulsan tahay kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Waxaa muuqata in madaxweynaha JFS aysan u qiyaasnayn khatarta dalku ku jiro iyo sida maanta loogu baahan yahay in laga shaqeeyo tillaabo kasta oo keeni karta midnimada iyo wadaajirka Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay ku noolyihiin. 

Waxaa wax aad looga xumaado ah abaabulka iyo dhiirri-gelinta qabyaaladda huwan iyo hadalada aan habboonayn ee la isku marinaayo warbhaahinta, waxaana cad in ay meesha ka maqantahay doorkii xukuumadda oo gabtay howlihii kaga aadanaa jiheynta, mideynta iyo u abaabulka dadka soomaaliy- eed sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen.

Waxaan ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka gudbaan qabiilaysiga, is-collaysiga iyo khalaafaadka dhexdooda ah, una midoobaan difaaca qarankooda. Waxaan xasuusinayaa shacabka Soomaaliyeed inay dowladdoodii ku waayeen qabyaalad sidaa daraaddeed wakhtigaan aysan habboonayn in jidkaas xun dib loo raaco. 

Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladdu inay wax ku eegaan indho qaran ee aysan kusoo hoos noqon wax kala dhantaalaya awoodda dadka. Marka la joogo difaaca dalka waa inay meesha ka baxdaa kanaa igasoo hor-jeeda iyo kanaan isku koox nahay. Madaxda Qaranku waa inay la yimaadaan aragtidii la isugu wadi lahaa sha- cabka loogana gudbi lahaa isu adeegsiga awoodda dowladeed.



Source link