Saraakiisha ugu sarreysa ciidamada Itoobiya oo yimid Jigjiga + Ujeedka

Posted on

Jigjiga (Wararka Maanta) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale maanta qaaday tallaabo cusub, waxayna saraakiisha ugu sarreeya ciidamada usoo dirtay magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya Berhanu Jula iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ku jiro ku xigeenkiisa Janeraal Abebaw Taddese ayaa maanta ka dagay garoonka magaalada Jigjiga, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa soo dhaweynta ka qayb-galay madaxweyne Mustafe Cagjar, hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah ismaamulka Degaanka Soomaalida.

Ujeedka safarka saraakiishan Itoobiyaanka ah ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto ka qaybgalka xuska 47-aad ee !asaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya oo markii u horreysay lagu qabanayo magaalada Jigjiga.

Taliyeyaasha ayaa maalmo sii joogi doono halkan, waxaana lagu soo warramayaa in munaasabadda xuska ay socon doonto muddo todobaad ah, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale taliye Burhanu Julla xarigga ka jaraya xarunta tababarada taliska ciidanka bariga Itoobiya oo laga furayo xerada Garabcase oo ku taalla duleedka magaalada Jigjiga.

Arrimahan waxay kusoo aadayaan, ayada oo ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan waji cusub yeelatay, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo weli Itoobiya isku hayaan wabiga Nile.

Itoobiya waxay maalmihii lasoo dhaafay magaalooyinka u dhow xadka Soomaaliya ka wadday dhaq-dhaqaaqyo milatari oo u muuqdo inay u diyaar garoobeydo dagaal cusub.
Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday dhabihii dagaalka, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah.

Dhammaan, tallaabooyinkan ayaa sii hurinaya xiisadda haatan ka taagan gobolka oo ku dhow in la’is fara saaro, maadaama dhinacyada uu mid kasta sameynayo dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ciidan oo aad u wayn.

 



Source link