Sacuudiga oo shaaciyey Xujayda sanadkan ku geeriyootay Xajka (Imisaa Soomaali ah)

Posted on

Xaflad ay soo agaasintay Wasaaradda xajka iyo cumrada Boqortooyada Sacuudiga, ayna ka qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Xajka dalalka Islaamka iyo madaxda arrimaha xajka u qaabilsan dalalkaasiayaa lagu qabtay Magaalada Makkah ee Dalka Sacuudiga.

Xafladan ayaa lagu Soo gunaanaday safarkii arrimaha xajka ee soo bilowday Bishii September ee sanadkii hore.

Munaasabadda ayaa abaal Marino lagu guddoonsiiyey dowladihii kaalimaha hore ka galay tartanka abaal marinta (La Baik) oo sanad walba la siiyo dowladda ugu fiican ee si wanaagsan ugu adeegtay xujeydeeda waxaaa sannadkaan la guddoonsiiyey Dowladda Ciraaq.

Dowladda Soomaaliya oo sanadkan markii ugu horreeysay ka mid noqotay dalalka u sharaxan abaal marinta ayaa soo gashay Kaalimaha hore taas oo dowladda Sacuudigu ku bogaadisay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudiga ayaa bogaadisay dhammaan dowladaha Islaamka sida ay uga qeyb qaateen hab Sami usocodka Xajka sanadkaan waxaana isla munaasabadda lagu soo bandhigay qorshaha arrimaha xajka ee sanadka dambe.

Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sanadkaan ay ka soo xajiyeen ku dhawaad 12 kun oo xujey ah ayaa wax badan ka badashay culeysyadii iyo caqabadihii ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed  waxaana sanadkaan si wanaagsan ku soo idlaaday gudashada waajibaadka xajka Wasaaradda Awqaafta XFS ayaana qaadatay doorka habsami usocodka wanaagsan ee adeegga Xajka.

Xujeyda geeriyootay intii lagu guda jiray gudashada Xajka 500 ayay kor u dhaaftay, Soomaaliya  waxaa ay ku lahayd 6 ruux Alle ha u naxariisto.

Saddex Rag ah iyo saddex dumar ah ayaa Soomaaliya ka geeriyootay, saddex inta aan la gaarin maalmihii xajka ayay geeriyootay sadeexna intii lagu guda jiray.

Source link