Sacuudiga oo daqiiqadihii ugu dambeyay dib u dhigay fulinta qisaasta nin Kenyaan ah

Posted on

Nin u dhashay dalka Kenya oo lagu waday in lagu fuliyo qisaas dil ah dalka Sacuudiga Isniintii , ayaa daqiiqadihii ugu dambeyay dib loo dhigay, kadib olole ballaaran oo uu laga sameeyay baraha bulshada.

Stephen Munyakho, oo ah wiil uu dhalay saxafiga ruug-caddaaga ah ee Dorothy Kweyu, ayaa sannadkii 2011-kii lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii uu dagaal dhimasho sababay uu la galay nin ay wada shaqeynayeen oo ku sugnaa Sacuudiga.

Sida laga soo xigtay “ololaha dib usoo celiyo Stevo”, oo ay maamulaan taageerayaasha Munyakho, labada shaqaale “waxa ay soo gaareen dhaawacyo mindi ah” laakiin kaliya Munyakho ayaa ka badbaaday. Sidaas darteed Munyakho ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Sida uu dhigayo sharciga Sucuudiga, xukunka dilka ah waa laga baaqsan karaa haddii qoyska wax laga dilay ay oggolaadaan in la siiyo magdhow.

Qoyskiisa oo ku sugan dalka Kenya ayaa isku dayayey inay u ururiyaan lacagta Diyadda ah ee looga baahanyahay, taasoo ah saddex milyan iyo bar riyaalka Sucuudig ah ($940,000; £750,000), oo loogu talagalay qoyska marxuumka.

 Xoghayaha Joogtada Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay “si naxariis leh u oggolaatay” codsigii dowladda ee ahaa in dib loo dhigo Isniintii dilka, si fursad loo siiyo “wada xaajood kale oo dhexmara dhammaan dhinacyada”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link