Erdogan oo bixiyay xogta tirada dhaawacyada Xubnaha Xamaas ee lagu daweenayo Turkiga

Posted on




Waxaa horey usoo baxayay warar sheegaya in dagaalyahanno katirsan kooxda Xamaas oo ku dhaawacmay dagaalka ay kula jiraan ciidamada Israel, dhaawacyadooda la geeyay dalka Turkiga laguna daaweenayo.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdigan ayaana markii ugu horreysay xaqiijiyay in dhaawacyada Xamaas lagu daweenayo Turkiga, waxa uuna sheegay in ka badan kun dagaalyahan oo katirsan Xamaas lagu daweenayo gudaha  Turkiga.

Telefishinka LBCI ee laga leeyahay dalka Lubnaan ayaa baahiyey in Madaxweyne Erdoğan hadalkan ku aadan in dhaawacyada Xamaas lagu daweenayo dalkiisa ka sheegay shir jaraa’id ay shalay wada qabteen Ra’isul Wasaaraha Dalka Giriiga, Kyriakos Mitsotakis.

Erdogan ayaa sidoo kale shirka jaraa’id ka sheegay in uu aad uga xun yahay in dowladda dariska la ah ee Gariiga kooxda Xamaas u aqoonsan yihiin koox argagaxiso, waxa uuna difaacay kooxda Xamaas uu ku tilmaamay koox gobannimo u dagaallameysa.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyne Erdogan ayaa kusoo aadaya xilli mar sii horreysay dalka Turkiga booqasho ku tagay madaxa siyaasadda ee ururka Xamaas Ismael Haniyah, oo la kulmay madaxda dalka Turkiga uu ku jiro Erdogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link