Saciid DENI oo loo gudbiyay warbixin 5 qodob ka kooban – Maxaa ku qoran?

Posted on

Gaalkacyo (Wararka Maanta) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay warbixinta shaqooyinka laga qabtay gobolka Mudug ka dhegaystay masuuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolka Mudug.

Mas’uuliyiintaan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada Puntland Maxamed Ciise (Awoowe), ayna qeyb ka yihiin xubno ka mid ah goleyaasha dowladda iyo hay’adaha madaxa banaan, saraakiisha laaamaha amniga, la-taliyeyaal madaxweyne, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Waxaa madaxweynaha lala wadaagay warbixinta shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa socda oo kala ah;

1. Amniga iyo sida looga shaqeeyay degmada Gaalkacyo oo ay bulshadu boggaadisay lagana dareemay iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo Amniga oo isagoo qoraal ah lala wadaagay Madaxweynaha .

2. Nabadeynta iyo xallinta Colaadaha soo noqnoqday ee ka dhaca Gobolka Mudug.

3. Qorshaha biyaha looga saarayo magaalada oo ay guddiga loo xil saaray soo bandhigeen iyadoo qiimeyntii iyo wixii farsamo ah ee loo baahanyahay lasoo diyaariyey.

4. Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka, iyadoo la dhisay Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Buursaalax iyo Xarfo, halka degmada Jariban howsheedu socoto.

5. Dhismaha Waddooyinka.

* Waxaa xariga laga jaray wejiga koowaad ee Wadada Laamiga ah ee bartamaha magaalada marta iyadoo qeybaha kale ee Wadada la qorsheeyay in la billaabo.

* Waxaa la qorsheeyay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Xarfo.

* Waxaa la saxiixay Heshiiska dib-u-dhiska iyo dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland oo ay wada galeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadaha dhisaya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay oo ah ujeedooyinkii Wafdigu u yimi Gobolka Mudug, wuxuuna kula dardaarmay masuuliyiinta in la dardargeliyo shaqooyinka socda iyo kuwa qorsheysan si loo dhameystiro muddada lagu suganyahay gobolka Mudug.



Source link