RW Xamsa oo qodobo xasaasi ah kala hadlay Danjiraha Qatar u jooga Somalia

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Dankiraha ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa xusay inay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qatar ayaa si joogto ah u taageerta Soomaaliya, waxaana ka dhexeeya xiriir aan duugoobin oo Qatar ay kula jaan-qaaday marxaladaha soo kabashada ah ee Soomaaliya ay dhexda kaga jirto.

Mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya waxaa ka mid ah dhismayaasha jidad waaweyn oo isku xira Muqdisho iyo gobollada dalka, gaar ahaan jidadka caasimadda ku xira Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Qatar ayaa Soomaaliya ka balan qaaday fulinta mashaariic kale oo badan, maadaama dalkaan uu u baahanyahay dib u dhis badan oo burbur baaxad leh uu ka soo gaaray waayihii dowlad la’aanta.

 



Source link