Rooble oo dhoola-tus ka billaabay Muqdisho – Maxaa dhacay maanta?

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho ka billaabay dhoola-tuskiisa u horreeyay oo u eg isu diyaarinta ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 2026, kaddib markii uu maanta qado sharaf u sameeyay xubno u badnaa saaxibadiisa.

Xubnaha uu maanta la kulmay Rooble ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, wasiirkii hore ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo xubno kale.

Kulankan qadada ayaa lagu fallanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa marxaladaha siyaasadeed ee soo socda, waxaana arrimaha laga hadlay ka mid ahaa arrimaha Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, iyadoo wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu hami sare ugu jiro xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. 

Sidoo kale wasiirkii hore Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa isna damac ka leh kursiga Madaxweynaha HirShabelle. 

Waxaa lagu ballamay in kulamada wadatashiyada inay sii socdaan, isla markaana la sii wado qorshayaasha u diyaar garowga ololaha doorashooyinka kuwa labada dowlad goboleed iyo tan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.










Source link