Ra’isul Wasaare u dhashay dal Yurub kuyaalla oo loo hanjabay xilli la dhaawacay…

Posted on

Ra’isul-wasaaraha dalka Poland, Donald Franciszek Tusk ayaa shalay oo Khamiis ah sheegay inuu helay fariimo loogu hanjabay in la dili doono, kadib, toogashadii lagu dhaawacay daraad dhigiisa dalka Slovakia , Robert Fico.

Qoraal uu Ra’isul Wasaaraha dalka Poland soo dhigay Barta X waxa uu tilmaamay inuu helay fariimihii ugu badnaa ee loogu goodiyey in la khaarijin doono.

Waxa kale oo uu soo dhigay qoraal Screenshot uu ka qaaday fariimaha cabsi-gelinta ee loo soo diray.

“Maanta, Slovakia waxay na siiyeen tusaale waxa lagu samayn doono Donald Tusk, haddii uu go’aansado inuusan maalgelinin Garoon weyn oo Diyaaradeed oo laga hirgeliyo Bartamaha dalka Poland “.

Ra’isul Wasaare Donald Franciszek Tusk oo 67-jir ah waxa uu xilkaasi hayey tan iyo sanadkii hore ee 2023-ka.

Docda kale, Shabakadda wararka Poland ee Wp.pl waxay cadadkii shalay oo Khamiis ah qortay inay Il-wareed ka tirsan Adeega Ilaalinta Dowladda Poland (The State Protection Service) sheegeen in la xoojin doono Ammaanka RW Donald Tusk, kadib, Isku-daygii Dilka ee lagu dhaawacay RW dalka Slovakia, Robert Fico, kaasi oo ay xaalladiisa aad u liidato.

Source link