QM oo war culus kasoo saartay khilaafka DF iyo PUNTLAND

Posted on

Garoowe (Wararka Maanta) – Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo shalay booqasho ku tegay magaalada Garoowe ayaa war culus kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhexeeya dowladda iyo Puntland.

Swan oo faah-faahiyay kulan uu la yeeshay madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu baaqay labada dhinac inay si hoose uga wada-hadlaan khilaafka dhexdooda ah, ayna soo celiyaan wada shaqeyntoodii oo hadda meesha ka baxday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay dib u bilaabaan wada-hadallo deg-deg ah, si xal loogu helo xiisadda taagan

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiskooda ay faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhii tahay in lagu gudbo khilaafka haatan jira.

“Madaxweyne Deni iyo aniga waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo qaranka muhiim u ah oo ay ka mid yihiin ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab, hannaanka dib u habeynta dastuurka, iyo marxaladda doorashada soo socota. Iyadoo Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh sannadihii u dambeeyay, waxaan dhammaanteen ognahay in caqabado badan oo qoto dheer ay weli jiraan,” ayuu yiri Danjire James Swan.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka deegaanka ee looga diyaar garoobayo deegaanada Puntland, wuxuuna u rajeeyay guul.

“Waxaan rajaynaynaa in doorashooyinkan golayaasha deegaanka ay sii ambaqaadaan guulihii laga gaadhay doorashadii deegaanka ee qabsoontay May 2023, isla markaana ay sii xoojiyaan dimuqraadiyaynta iyo sidoo kale horumarka laga gaadhay ka qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada,” ayuu yiri Swan.

Dhankiisa Saciid Deni ayaa la wadaagay James Swan aragtidiisa ku aadan xaaladaha ka taagan ee dalka, si looga gudbo caqabadaha waa wayn ee jira.

“Waxaan la wadaagnay dareenkeenna iyo aragtideenna ku aadan xaaladda dalka, waxaana rajeynayaa inay ka qayb qaadan doonto sidii uu xal ugu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya” ayuu isna yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay.



Source link