Ciidamada DF oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah + Sawirro

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maanta howlgallo culus ka sameeyay gobolka Galgaduud ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalladan waxay ay si gaar ah ugu sameeyeen inta u dhexeysa deegaanad Mesagawaa iyo Baraak Sheikh Caamir, halkaas oo ay miinooyin ku aaseen Al-Shabaab.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in waddadaas ay kasoo saaree miinooyin ay maleeshiyaadka doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka isticmaala halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyay miinooyinka ay kasoo saareen waddada xiriirisa labadaas magaallo oo ay haatan ka howlgalaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka.

Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in dhulkaasi ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro kusoo qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla bariga gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay sii wadaan howlgalladooda, si ay uga hortegaan duulaan mar kale uga yimaada Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weerarada qaraxyada ah u dhiga kolonyada ciidamada dowladda ee isaga kala kooshaya deegaanadaas, waxaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan.



Source link