Qiso Musuq ah oo dhexmartay Marxuum Jen. Max’ed Siyad Bare & Nin Xigtadiisa

Posted on

Waxaan Maqlay in hogaamiyihii Kacaanka ee xukunka militeriga Janaral Maxamed Siyad Bare (AUN) ay u yimaadeen odeyaal xigtadiisaa, waxeyna ka dalbadeen inuu nin reer ugaasa oo qoyskiisu tabaaleysan yahay inuu xil u magacaabo uu reerkiisa iyo qaraabadiisa uu wax ugu tari karo, waxeyna u sheegeen ninkaas iney ku og yihiin inuusan waxna qorin waxna akhrin, aqoondaradiisana ay u wehliso islaweyni qaabdaran oo aan mudnayn heerka qabweynidiisa.

Wershadii Hargaha iyo Saamaha oo nin aqoonyahana oo lagu magacabayey Dr. Obsiiye uu madax ka ahaa oo lagu farsameyn jirtey hargaha loona bedeli jirey suuman, boorsooyin, roogag, kabo, iyo agabyo badan oo dibeda loo dhoofin jirey ayaa ninkiii ina ugaas ahaa loo magacaabay, waxeyna hayadaas ahayd mid curdan ah oo wakhti yar oo kooban jirsatey, balse aad loo hormariyey intey jirtey oo caalamka carwooyinkiisa ku soo bandhigi jirtey agabyo kala duwan.

Maxamed Siyad Barre ayaa maalin kasta waxaa xafiiskiisa hortaagnaan jirey odey ilmihiisa ay ku dhinteen dagaaladii qorsheysnaa ee qabiilada la isugu dilayey, ninkaas oo ilaalada madaxtooyada qaraabo dhow la ahaa ayey u sahlaneed mariinka loo maro aadida xaafiiska madaxweynaha, wuxuuna odeygu mar kasta oo ay kulmaan hogaamiyaha kacaanka uu ka dalbadaa in loo shaqaaleeyo wiilka keliya ee u soo haray oo uu ka soo kaxeeyey baadiyaha.

Madaxweynaha oo shir u qabanayey madaxda wax soo saarka wershedaha ayaa maalintaas indhaha ku dhuftay ninkii reer ugaaska ahaa oo isbdel qurux badan uu ka muuqdey, waxaana isla markii maskaxdiisa ku soo dhacday xalka odeygii xaafiiskiisa ku dhibay, wuxuuna warqad shaqo siina ugu qoray odeygii madaxa wershadii hargaha iyo saamaha, isagoo ku amray inuu shaqaaleeyo wiilkaas ay xigtada yihiin oo qadiyadda qoyska awgeed ay ilmihiisu ugu dhinteen.

Odeygii ina ugaas marku u geeyey warqadii, ayuu meel isaga tuuray, odeygiina uu iska daba wareejiyey mudo dheer, taasoo odeygii ku kaliftay inuu dib ugu laabto hogaamiyiha isagoo eedo badan tirsanaya, wuxuuna Maxamed Siyad Bare uu yeertay mid laangaaba oo ka mida kalkaaliyeyaashiisa hoose oo uu u adeegsado hawlaha aan u wanaagsanayn sumcadda kacaanka iyo sharaftiisa, wuxuuna ku amaray inuu xaafiis hebel ka soo qaado lacag dhan 10 kun.

Hogamiyihii ayaa laangaabkii ku yiri odeygaan iga wad oo u gee ina ugaas, lacagtana sii, wuxuuna ku yiri odeygii waa laaluush qaate aan lahayn wax qadiyada oo uu aaminsan yahay, waxa keliya ee uu maqlaa ay tahay qaadashada laaluushka, kadibna laangaabkii iyo odeygii oo aan lacagta cadadeeda waxba ka ogeyn ayaa israacay, waxaana lacagtii kala qeybsadeen ina ugaas iyo laangaabkii, odeygiina dib dambe uguma soo noqon xaafiiska madaxweynaha.

Wershadii hargaha iyo saamaha ayaa ugu dambeystii ku dambeysey in dhamaanteed lagu xaalufiyey gacanta ninkii uu dhalay ugaaska beesha hogaamiyihii kacaanka, wuxuuna ina ugaas uu iska soo xaadiriyey xaafiiska madaxweynaha si loogu dhiibo meel kale, isagoo abaalkii horay loogu galay ka abaal dhacay, balse aaminsanaa in tolka uu ku tiirsan yahay oo ay ugu dambeysey markii loo magacaabay xilkii hore ay ka awood badan yihiin haykalka dowladda.

Wuxuuna ninkaas ku dambeeyey inuu baar Hotel Bulsho iyo gurigiisa qasriga cad ahaa inta burburka dowladda ka horeysey uu dalxiis ugu noolaa oo qarashkiisii ay dowladdu qabtey, isagoo baabuur cad oo Dalsan ah iyo gabdho cadcad kula caweynayey hoygiisa oo uu musuqii ka dhistay, meesha taas bedelkeeda dad badan xatooyo xoolo dadweyne loogu xukumay dil toogasho, iyagoo loo haystey lacag qiyaasta ahayd boqol kun oo markaas u dhigantey $1200.

Waxaa jirtey sidaas si la mida in tolweyne madaxweynaha uga yimid Laascaanood ay ka dalbadeen in bangiga ganacsiga loo magacaabo nin ay wateen oo ka soo jeeda heybtooda, ninkaas oo lagu magacaabayey Sheef Maxamed Cali, waxaana dhacday mudo kooban oo uu xilka hayey inuu dadweynaha ka dhunsaday lacag ka badan 7 bilyan, xatooyadaas waxey faqri ka dhigtay maalqabeeno awoodi waayey iney ka helaan bangiga masaariifta nolol maalmeedkooda.

Ninkaas wuxuu Sool ka dhigay geed walba inuu gaari Zuzu ah ku harsado, gadiidkaas oo intoodii badnayd aysan noqon kuwo lagu manaafacsado, wuxuuna sidoo kale dhulalka lama degaanka ahaa ee ku yaaley buuraha uu u diiwaan geliyey seerooyin ah beero oo bangiga hanti badan looga qaatay, waxaana intaas u dheereyd madax dhaqameedka, saraakiisha, ardayda, iyo dhalinyarada beeshaas oo baabuurta ay la yimaadaan gadaashooda lacag looga buuxin jirey.

Qisooyinkaas waxaan ka baran karnaa in musuqa ka dhex jira dowladda Soomaaliya iney salka ku hayaan tiirar adag oo ku daaban saddex shar oo is weheshadey, kuwaas oo kala ah: qabyaaladda oo garab ka haysta madaxda dowladda; laangaab xaraanta loo adeegsado oo ku tiirsan madaxda dowladda, iyo hawlwadeeno maangaaba oo tolka iyo madaxda dowladda danaha isaga xiran u ah fure, kaas oo xilkiisu yahay lama taabtaan iyo lama canaantaan.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

 

Source link