Maxay ka wadahadleen RW Xamse iyo madax uu kula kulmay Baxreyn? (Sawirro)

Posted on

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Manama ee dalka Baxrayn, Ra’lisul Wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Axmed Cabdallah Al-Ahmad Al-Sabaax.

Labada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xiriirka  iyo iskaashiga  ay wadaagaan labada dalka iyo sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga ku saleysan walaaltinimada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dalka Baxrayn kaga qeyb galaya Meertada 33-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS iyo Madaxweynaha Jabuuti, ayaa diiradda lagu saaray,  Xariirka iyo iskaashiga labada dal, arrimaha amniga gobolka, iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Source link