PUNTLAND oo ka jawaabtay eedeyntii uga timid QM

Posted on

New York (Wararka Maanta) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Carruurta iyo Isku dhacyada Hubeysan, iyo Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta, ayaa si wadajir ah waxay ugu baaqeen Soomaaliya inay meesha ka saarto xukunka dilka carruurta iyo da’yarta kuwaasoo dil lagu xukumo sababo la xiriira inay galeen dembiyo iyagoo ay da’doodu ka yar tahay 18.

Warsaxaafadeed kasoo baxay QM ayaa lagu sheegay in khubarrada QM ay ka walaacsan yihiin aadna u cambaareynayaan dilkii 17-kii August magaalada Gaalkacyo loogu fuliyay da’yar lala xiriiriyay al-Shabaab.

“Dhammaan afarta da’yar waxay ka yaraayeen 18 xilligii ay dembiyada galayeen, sida uu xaqiijiyay Guddiga Xaqiijinta Da’da ee Puntland.

“Saraakiisha QM ayaa xusuusinaya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya in Cahdiga QM ee Xuquuqda Carruurta (CRC), Cahdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Badqabka Carruurta, iyo sidoo kale Dastuurka Soomaaliya, ay dhammaanba carruur ku qeexayaan qof walba oo da’diisa ay ka yar tahay 18. Dilka wuxuu meel uga dhacayaa Cahdiga Xuquuqda Carruurta, kaasoo Soomaaliya ay meel marisay sanadkii 2015,” ayay intaa raacisay warbixinta.

Saraakiisha QM ayaa sidoo kale ugu baaqay Puntland iyo dowladda Soomaaliya in carruurta lala xiriiriyo isku dhacyada hubeysan, ayna ku jiraan kuwa ay QM u aqoonsatay kooxaha argagixisada, loola dhaqmo inay yihiin dhibbanayaan.

“Waxay ugu baaqayaan maamulka Puntland inay soo afjaraan in carruurta lagu maxkamadeeyo maxkamadaha militariga iyo inay dhowraan carruurta.”

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu sheegay in loo baahan yahay in degdeg loo sii daayo dhammaan carruurta xiran loona soo gacan geliyo QM si dhaqan-celis loogu sameeyo.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay Puntland inay isbeddel ku sameeyaan sharciga ka dhanka ah argagixisada si loogu dabaqo qeexidda da’da carruurta sida ku xusan Sharciga Caddaaladda Da’yarta Puntland.

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii hay’adda QM u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in maxkamad militari oo ku taalla Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay carruur aan wali qaanqaarin.

Maxay Puntland ka tiri?

Dowlad goboleedka Puntland ayaa beenisay eedeyntaas ay u soo jeedisay hay’adda caruurta ee Qaramada Midoobey ee UNICEF.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC la hadlay markii ay soo baxday warbixinta UNICEF, ayaa sheegay in dhammaan dadka toogashada lagu xukumay ee lagu fuliyay ay ahaayeen “qaan qaarro lagu helay dambiyo.”

Waxaa uu intaa ku daray in dadka la toogtay intooda badan ay xabsiga muddo dheer ku jireen ka hor intii aan la xukumin.

“Xaqiiqda waxaa weeyaan Puntland dad carruur ah ma toogan, dadkaas la toogtay intooda badan saddex sano in ka badan ayay xabsiga ku jireen,” ayuu yiri Ceydiid.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka la toogtay la xaqiijiyay da’dooda iyo falal dambiyeedyada ay galeen.

“Muuqaalkooda waad arkeyseen qof 30 jir ka yar kuma jirin da’dooda iyo dhalashadoodana waa la xaqiijiyay inay dad waawayn oo qaan-gaadh ah yihiin fal dambiyeedkoodana ay qirteen oo cidina ku qasbin,” ayuu inta ku daray.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’aadaha caddaaladda ay mareen dhammaan hab-raacyadii loo baahnaa ka hor inta aan xukunka lagu ridin eedeeysanayaasha.

“Qiraalkooda iyo baaritaankooda ayaa isla caddeeyay inay dinuubtaas galeen racfaana loo ogolaaday muddo saddex sana ah oo waliba mar labad iyo mar saddexaad dib loo maxkamadeeyay si baaritaanka intii uga sii xaqiiqo bato haddi ay helaan wax xujooyiin ah oo ay isku difaaco helaanloo ogaalay oo fursad la siiyay,” ayuu yiri Mr Ceydiid.

Waxay ahayd 17-kii bishan markii dil toogasho ah lagu fuliyay 10 dhalinyaro ah oo sida ay maxkamadda sheegtay lagu helay in ay al-Shabaab ka tirsanaayeen ayna ku lug lahayeen dilal ka dhcay magaalada Galkacyo.

Maxay tiri hay’adda UNICEF?

Hay’adda Qaramada u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay xukun dil ah oo dabayaaqadii todobaadkii hore lagu fuliyay afar dhalinyaro ah maamul goboleedka Puntland.

Bayaan ay soo saartay bishii August ayay ku sheegatay in dadkan lagu helay dambiyo ay galeen xilli ay caruur ahaayeen oo ay dad’doodu ka hooseysay 18 sano jir laguna eedeeyay inay al-Shabaab ka mid ahaayeen.

“Xukunnada ayaa waxaa riday maxkamado ciidan, kuwaasoo aan lahayn hab-raac gaar ah oo caddaaladda lagu mariyo carruurta, isla markaana aan ahayn meel carruurta lagu xukumo,” ayaa lagu yiri bayaanka Unicef.

Unicef ayaa xustay in guddiga xaqiijinta da’da Puntland oo ay ku jiraan wakiillo ka socday maamulka Puntland ay la kulmeen dhalinyaradan, waxaana ayna ogaadeen in ay ahaayeen dad aan qaan-gaarin xilliga la qabanayay, isla markaana aan lagu xukumi karin dil toogasho ah.

Hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobey waxa ay ka codsatay maamulka Puntland in ay ka hortagaan xukunnada dilka ah ee la fulinayo, waxaana ay ugu baaqday in nidaamka caddaaladda loo maro dhammaan dhalinyarada aan qaan-gaarka ahan ee loo xiro in ay ku biireen kooxaha hubeysan markii ay da’doodu ka yarayd 18 sano, iyadoo la raacayo sharciga carruurta Maamulka Puntland iyo waajibaadka saaran dowladda ee ku aaddan waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee ku xusan heshiiska xuquuqda carruurta.

Bayaanka ay soo saartay hay’adda Unicef ayaa lagu yiri “Unicef waxay ku boorinaysaa maamulka Puntland in caruurta ku biiray kooxaha hubeysan ay ula dhaqmaan sidii dhibanayaal, islamarkana dib u eegis lagu sameeyo hannaanka garsoor ee hadda jira si loo hubiyo in carruurta aan la horgeyn oo lagu xukumin maxkamadaha ciidamada, ayna helaan habraac garsoor oo ku habboon waafaqsana Xeerka Caddaaladda Carruurta Puntland iyo Axdiga Xuquuqda Carruurta oo ay Soomaaliya ansixisay.

Isha: BBC



Source link