Nin soo celiyay shidaal uu dowladda Soomaaliya ka dhacay 1991-kii (Warbixin)

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Muumin Fiidow Rooble, ayaa dib dawladda Soomaaliya dib ugu celiyay shidaal uu 33 sano ka hor ka bililiqeystay magaalada Muqdisho.

Muumin oo dhowr siddeetan jir ah haddana ku nool degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa toddobaadkan maamulka dawladda ee degmadaas ku wareejiyay 50 liitar oo shidaal ah oo uu ka qaatay xerada Afisyooni 1991-kii, isaga oo sheegay in uu culimada kala tashaday dib u celinta shidaalkaas.

“Maalintaas waxaan qaatay 50 litir oo layga siistay 600 oo shilin Soomaali ah, iyada muggaas ay ila qummanayd inkasta oo ay xoolo xaaran ah ay ahaayeen,” ayuu Muumin u sheegay BBC-da.

“Lacagtaas qaraabada iyo qoyska ayaa raashin u siiyey,” ayuu sii raaciyey.

Muumin ayaa dhanka kale sheegay in maalintaa ay xaaladdu qasnayd ee dhinac walba bililiqadu ka socotay ay ahayd “wax aan la suuraysan karin.”

“Waxa Alla wixii dawlad ama shacab lahaa waa la bililiqaystay maalintaas,” ayuu yidhi Muumin.

Muumin ayaa iska guday xoolihii kaddib markii uu la tashaday culimada diinta, isaga oo meel la wada arko iskaga guday qaantaas.

“Markii aan ogaaday in waxan danbi yahayna sharciga Islaamka ayaan u kuur galay oo aan ogaaday in waxani xoolo shacab yihiin oo ay tahay in la iska bixiyo, meel fagaare ah ayaanan ku dhiibay,” ayuu Muumin BBC-da u sheegay.

Sida oo kale oday Muumin ayaa qaba in dadka kale ee la midka ahaa isaga ama si uun u dhacay xoolo umadeed ay iyaguna iska bixiyaan int aanay dhiman.

“Waa xaqa bini’aadamka in la sika bixiyaa oo la iska reebaa, aakhrio markii la gaadho qof kasta waa la su’aalaa wixii uu qaaday,” ayuu sheegay Muumin Fiidow Rooble.

Wakhtigaas waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay nidaamkii iyo kala danbayntii iyada oo ay burburtay Dawladdii Dhexe, kaddib markii jabhado hubaysani ay ku baaheen cidhifyada iyo gudaha dalka, kuwaas oo ridey Dawladdii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Tacaddiyo gudeed iyo ku takrifal awoodeed oo muddo dheer ay kooxihii diiddanaa Dawladdii Miletariga ahayd tirsanayeen ayaana keentay xaaladdaas sida ay qabaan taariikhyahannadu.

Wixii ka dambeeyay 26-kii January, 1991, Soomaaliya waxay lugaha la gashay colaado sokeeye iyo dagaallo kale oo sababay macluul iyo gaajo, qax, barakac iyo dhimashada dad badan.

Shirar dib u heshiisiin oo is xigxigay oo ka dhacay meelo kala duwan ayaa Soomaaliya loo qabtay, inta badan ma ay midho dhalin.

Ku dhawaad 20 sano kaddib burburkii qaranka, shirkii Carta ee Jabuuti ayaa lagu doortay madaxweyne ku meel gaar ahaa – waxaa loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaa dhidibbada loo aasay qeyb ka mid ah dowladnimada cusub ee Soomaaliya.

Sannadkii 2004 ayaa dib u heshiishiin kale oo la xidhiidhay nidaamka federaalka ee maanta jira lagu soo unkay dalka deriska ah ee Kenya.

Isha: BBC



Source link