Nin kamid ahaa burcad-badeedii Afduubka ka qaadatay Markabka MV Abdullahi oo la qabtay

Posted on




Ciidanka booliska maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay  nin ku eedeysan inuu ka mid ahaa burcad-badeedii afduubatay markabka MV Abdullah ee laga lahaa dalka Bangladesh.

Booliska Puntland qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheesan oo ay fuliyeen kusoo qabteen Maxamed Cali Aadan oo ku eedeysan in uu ka mid ahaa burcad-badeedii billo kahor afduubatay markabka MV Abdullah.

Howlgalka lagu qabtay eedeysanaha katirsanaa koox burcad-badeed ah oo ka jira deegaannada Puntland ayaa ka dhacay deegaanka Yibaayil oo ka tirsan degmada Dangorayo, booliiska ayaana raadinaya xubno kale oo burcad-badeed ah.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.




Source link