Nin isku dayey inuu gubo goob Macbad ay Yuhuudu leedahay oo la toogtay

Posted on




Booliiska ayaa toogtay nin hubeysan oo isku dayay inuu dab qabadsiiyo macbad ku yaal waqooyiga Faransiiska ee Rouen Jimcihii saaka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Faransiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray taageeradiisa booliska.

“Subaxnimadii hore ee saaka, askarta bilayska ee Rouen ayaa si cad u dilay shakhsi hubaysan oo damacsanaa inuu dab qabadsiiyo goob macbad ah. Waxaan ugu hambalyeynayaa sida ay uga falceliyeen iyo geesinimadooda,” ayuu yiri Darmanin.

Booliska ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan ninka weerarka fuliyey oo illaa hadda aan la ogeyn waxaa uu yahay.

Xiisado iyo caro ka dhalatay dagaalka Israel iyo Gaza ayaa ka taagan Faransiiska. Tirada falalka naceybka ah ayaa aad ugu batay wadankaas oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee Yuhuuda iyo Muslimiinta ku nool galbeedka Yurub.




Source link