Nin daqiiqadii u dambeysay ka badbaaday xukun dil ah oo lagu fulin lahaa

Posted on




Faysal Abshir Cabdullaahi oo loo yaqaan (Faysal Booyaax) oo saaka la soo taagay tiirka Magaalada Garowe caasimada Puntland si loogu fuliyo xukjn dil qisaas ah ayaa xarriga laga furay kaddib markii aabaha dhalay qofka loo qisaasayay uu go’aansaday inuu dilka ka joojiyo

Gacan ku dhiiglahan ayaa dilay oo saaka dartiis tiirka loo keenay Cabdulaahi Faarax Cali. Waxaa la sheegay in labadooda ay ciidamo ahaayeen, muran dhexmarayna uu keenay dilkaas.

Faysal Abshir ayaa hore loo qisaasay walaakii Maxamed Abshir oo sidan oo kale fal dil ah geystay.

Mas’uuliyiinta joogay goobta qisaasta ayaa sheegay in aabaha loo fulinayo saddex doorasho midkii uu doono oo kala ah inuu cafiyo, in uu diyo qaato ama loo qisaaso.

Aabo Faarax Cali oo goobta ka hadlay ayaa yiri sidan “Ninkan oo dilay wiilkeyga, aniga saakay is raacin maayo labada nin, xariga waa ka furayaa” ayuu yiri aabaha oo intaas ku daray inuu diyo ku bedelanayo qisaasta.

Taliyaha xabsiga Nugaal waxaa lagu amray inuu xabsiga ku hayaayo inta magta laga bixinayo, waxaana dhacdadan soo dhoweeyey dad badan oo ku tilmaamay talaabo geesinimo leh.




Source link