Muxuu yahay heshiiska is-afgaradka ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa kulankoodii khamiislaha ahaa waxaa maanta ay ku meelmariyeen heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys ayaa sheegay in heshiiskan is-afgardka uu yahay mid lagu xoojinayo iskaashiga dalxiiska ee labada dal.

Waxaa uu intaa ku daray in Kenya ay ka mid tahay dalalka Afrika ee ku fiican dhanka dalxiiska islamarkana ay heshiiskani isku afgarteen.

“Heshiiskaan is-afgarad waxaa uu ku saabsan yahay is-afrad u udhaxeeya jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda Kenya waliba dhinaca dalxiiska,” ayuu yiri Mr Aweys.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jirto rejo dhaqaale oo mustaqbalka laga qabo dalka Soomaaliya islamarkana ay doonayaan ka faaideysiga fursadaasi.

“Dowladda fedraalka ee Soomaaliya iyada oo muhiimad siinaysa adeega dalxiiska iyo rejada dhaqaale ee laga qabo awgeed ayaa waxay soo waday barnaamijyo ku saabsan in dib loo qaabeyo dalxiiskii Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee ku wanaagsan dhanka dalxiiska waxaana sanad kasta soo booqda ku dhawaad 2 milyan oo dalxiisayaal ah.

Kenya waxa ay diiwaangelisay 1.96 milyan oo dalxiisayaal ah sannadkii 2023 , sida lagu xusay warbixin uu soo saaray michadka dalxiiska ee dalka Kenya .

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa xusay in darasad ay sameeyeen uu uga soo baxay in iskaashi dhanka dalxiiska ah lala yeesho dalalka dariska ee ay Kenya ka mid tahay.

“Sanadkii hore dowladda waxay ku guuleysatay inay sameyso daraasad ku saabsan dalxiiska Soomaaliya iyo qaabka ugu haboon oo loo hagaajin karo marka darasadaasi waxyaabaha nooga soo baxay waxaa ka mid ah iskaashi inaan la yeelano dalalka sida wayn ugu hormaray dalxiiska ee gobolka gaar ahaan dalalka dariska marka heshiiskan qeyb ayuu arrintan ka yahay,” ayuu intaa ku daray.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha la iska kaashan doono?

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys oo faahfaahin ka bixinayayay ayaa sheegay in dhinacyo badan oo dalxiiska la xiriira ay labada dal iska kaashan doonaan.

Mr Aweys ayaa xusay in dhanka tacliinta la xiriirta dalxiiska, suuqeynta iyo cilmi-baarista ay ka mid yihiin meelaha ay iska kaashan doonaan Kenya iyo Soomaliya.

“Labada wadan waxay iska kaashan doonaan dhinaca cilmi-baarista, dhinaca suuq geynt dalxiiska dhinaca waxbarshada dalxiiska,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa farta ku fiiqay in imikaba Soomaaliya ay leedahay adeegyo dalxiis sida hoteelo waawayn, balse loo baahan yahay in la sii casriyeeyo si caalamka loola jaan-qaado.

“Haatan-ba Soomaaliya marka la fiiriyo dhinaca adeegyada dalxiiska way ka jiraan huteelo iyo adeegyo kale laakiin waxaa loo baahan yahay in la casriyeeyo iyaga oo la jaanqaadi kara wadamada hor maray dhanka dalxiiska sida dalalka dariska ay ak mdi yihiin,” ayuu yiri Mr Aweys.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys ayaa shegay in haddii dadal badan la galiyo dib u dhiska dalxiiska Soomaaliya uu dalka saami wanaagsan ka heli karo dhaqaalaha dalxiiska Afrika.

“Soomaaliya marka la eego kheyraadka ay leedahay haddii dhinacaasi si wanaagsan loogu jeesto waxaa hubaal ah in ay Soomaaliya ka heli karto saami aad u wanaagsan ee dakhligaasi dalxiiska Afrika,” ayuu intaa ku daray.

Ka hor dagaaladii sokeeye waxay Soomaaliya ka mid ahayd dalalka Afrika ee ay dad badan u soo dalxiis tagi jireen.

Isha: BBC



Source link