Milateriga Israel oo khasaarihii ugu badnaa loogu geystay dagaalka Gaza

Posted on

Waxaa sare u kacay tirada dhimashada ciidanka Israa’iil ee maanta kaliya oo kor u dhaaftay ku dhowaad soddan askari, kaddib howlgallo si wanaagsan loo qorsheeyay oo ay fuliyeen guutada hubaysan ee Xamaas

15 askari ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay Rafah.

Waxaa la beegsaday ciidanka Israa’iil xilli ay ku sugnaayeen bariga Rafah, halkaa dhimashada ka dhacday lama soo bandhigin.

Howlgal kale waxaa lagu qarxiyay ciidanka Israa’iil iyagoo isla bariga Rafah ku sugan, halkaasoo ay ku dhinteen shan askari, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Israa’iil waxay ku sheegtay ‘maalin xun’, iyagoo qiranaya dhimashada 20 askari, dhab ahaantii waa tiro aad u badan.

Ciidanka Israel oo loo maleynayo inuu yahay mid ka mid ah ciidamada ugu sarreeya tababarka, hubka, iyo tiknoolajiyada militariga ee bariga dhexe waa jab aad u weyn, in khasaare intaas dhan loo geysto, iyagoo  la dagaallamaya kooxo iska caabin ah oo waligood go’doon ku jiray!

Source link