Midowga Afrika oo ka digay halis ku soo wajahan dalal ay ku jirto Soomaaliya

Posted on

Waaxda arimaha isbedelka cimilada ee Midowga Afrika ayaa sheegtay in dabaylo qasaare geysan kara ay ku dhufan karaan qaar ka mid ah wadamada geeska Afrika, waxaan fariintan digniinta ah lala wadaagay safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Sida ka muuqata sawirkan hoose ka yimid Midowga Afrika, wuxuu sheegayaa in cimilada dalalka ku teedsan dhul xeebeedka Bariga Afrika oo Soomaaliya ka mid tahay in ay ka jiraan dabaylo xoogan oo ku socda xawaare aad u sareeya oo dhan 185km saacaddiiba xaaladuna ay tahay mid aad u kacsan, balse ay saadaashu sheegayso in ay xaaladu is bedeli karto, lagana yaabo in 18saacadood kadib uu xawaaruhu noqon karo 65km saacadiiba.

Sidoo kale, waxaan u sheegnay in ay si joogto ah noola soo wadaagaan xaaladaha la xiriira cimilada kacsan iyo dabaylaha ka jira xeebaha qaar kamid ah dalalka Geeska Africa, waxaana uga mahadcelinay xiriirka iyo wargelinta ay arintan nagala soo sameeyeen.

Waaxda Isbedelka cimilada Midowga Afrika waxay ku talisay in wargelin iyo wacyigelin degdeg ah loo sameeyo dadka Soomaaliyeed ee degen dhulka xeebaha ah ee Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koonfurta Somalia.

 

Source link