Imaam Masjid oo la socday Madaxweynaha Iran oo saacad noolaa kaddib shilkii ay galeen

Posted on

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shilkii diyaaradeed ee Axadii ka dhacay dalka Iran, kaa oo sababay geerida Madaxweynihii dalkaasi Ebrahim Raisi iyo masuuliyiin kale uu ku jiro wasiirkii Arrimaha Dibadda Iran.

Madaxweynaha dalka Iran iyo dadkii kale ee la socday diyaarada helicobterka ah ee bur burtay ayaa la sheegay in ay gubteen , kuwaa oo qaarkood adkaatay in si fudud loo aqoonsado wajiyadooda.

Madaxa Hay’adda Iiraan ugu qaabilsan maareynta musiibooyinka, Maxamed Xasan Nami ayaa sheegay in meydadka la helay intooda badan gubteen, waxa uuna xusay in hadda laga maarmay in meydadka la marsiiyo DNA lana aqoonsaday dadka geeriyooday.

Waxa uu sheegay Maxamed Nami in Iimaamka Salaada Jimcaha ee magaalladda Tabriz, Ayatollah Mohammad Ali Al-e Hashem uu noolaa qiyaastii muddo saacad ah markii uu shilku dhacay kaddib, waxa uuna xusay in telfoon soo diray sheegayna shilka dhacay.

Madaxa maareynta musiibooyinka ee dalka Iran ayaa sidoo kale sheegay in meydka Imaamkan uu ahaa mid nadiif ah oon ka muuqan wax gubasho ah, marka loo eego meydadka madaxweynaha iyo dadkii kale oo badankood gubtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link