Maxkamadda Racfaanka oo go’aan kasoo saartay dambiyo lagu soo eedeeyay labo Agaasime guud hore

Posted on




Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa agaasimayaashii hore ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ku weysay eedeymo musuq maasuq oo horey loogu soo eedeeyay.

Guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa goordhaw ku dhawaaqay in Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay.

Labadaan masuul ee maanta dembiga lagu waayey ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidaan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, kadib markii lagu helay in akoonkiisa la dhigay lacago loogu talagalay qasnadda dowladda.




Source link