Maxkamadda oo maanta xukun adag kasoo saartay kiiska dilka TOOXOOW

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag kasoo saartay kiiska dilka Marxuum Axmed Nuur Tooxoow, kaas oo loo haystay Mahad Cali Madoobe.

Mahad Madoobe oo ka tirsan ciidanka deegaanka ee degmadda Deyniile ayaa loo soo xiray inuu si bareer ah uu degmadda Daaru-salaam ugu dilay Marxuum Axmed Nuur Tooxoow, taariikhdu markii ay aheyd 29 bishii Afaraad ee sanadkaan 2024.

Marxuumka oo heystay bastoolad sharciyeysan ayaa isaggoo maraya laamiga Daaru-salaam, gaarina wato waxaa jidka u istaagay Eedeysane Mahad Cali Maxamuud Madoobe, kaasi oo gaariga joojiyey kuna amray inuu bastoolada soo wareejiyo.

Balse marxuumka ayaa ka diiday maadama uu bastooladda u heystay sharciga hubka ee ay bixiso wasaaradda amniga, intaas kadibna eedeysanaha ayaa xabado ku furay.

Marxuum Tooxoow ayaa halkaasi ku geeriyooday, isla maalintii uu dilka geystay ayaana lasoo qabtay eedeysanaha.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday saddex iyo tobankii bishaan.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Maxamuud Madoobe dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Axmed Nuur Tooxoow.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida.



Source link