Maxay tahay tallaabada uu qaaday R/W Xamza ee lagu farxay?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu boggaadiyay, taas oo sidoo kale dhalisay falcelin xooggan.

Xamza ayaa mushaarkiisa bishan ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab ku beegsadeen shacabkii ku sugnaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayadoo sidoo kale dhamaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaaraadkooda qayb ka mid ah u jareen gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeelada gaartay.

Golaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay lacag nus milyan dollar ah xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, taas oo lagu kordhin doono lacaga gurmadka ee haatan la aruurinayo.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan.

Haddaba sidee looga falceliyay? 

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay tallaabadan, iyaga oo inta badan ku amaanay ra’iisul wasaare Xamza.

Xidig Cadde “Ra’iisul wasaaraha waa wanaagsan yahay hadduuba mushaarkiisa bishan u daayey dadkii waxyeelada soo gaartay”.

Maxamed Deeq Xasan Xaraare ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Mushaarka Ra, isulwazaaraha waa immisa?”.

Cabdiraxmaan Maxamed “Ra’iisul wasaare waa ogahay daacad baa tahay haddii ay jirto lacagtaa gudigaa u xil-saareyso gacan ku haay dadka qaarna haba u dhiibin”.

Cabdalle Naasir “Waa dowlad mashruuc ah lacagtaas wllhi inaysan gaarayn rag gaar ah baa qadan dabaqyana ka dhisan”.

Muscab Xasan “Lacagta wax ma tartee ee shacabka hadaan amnigooda sugi karin ka taga meesha kuligiin calooshiin ushaqeestayaal baa tihiin



Source link