Maxaa ka jira in ISRAEL ay ogolaatay in macbad laga dhiso barxadda Al-aqsa?

Posted on

Gaza (Wararka Maanta) – Markii ugu horreysay abid, Israa’iil waxay oggolaatay inay maalgelin u qoondayso “socdaallada la hago” ee Yuhuudda ee aagga ku hareereysan Masjidka Al-Aqsa.

Wasaaradda Dhaxalka Israa’iil, oo uu hoggaamiyo wasiir Amichai Eliyahu, oo xubin ka ah xisbiga awoodda Yuhuudda, ayaa qaddar lacag ah u qoondaysay mashruucan cusub ee magaalada qadiimiga ah ee Bariga Quddus.

Sida laga soo xigtay maamulka warbaahinta Israa’iil, lacagta ay wasaaraddu u qoondaysay waa 2 milyan oo sheqel, oo u dhiganta ku dhawaad 550 kun oo doollarka Maraykanka ah.

Wasiir Eliyahu, oo xubin ka ah xisbi uu hoggaaminayo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir, ayaa muddo raadinayey ogolaanshaha.

Hurinta dagaal diimeed

Ku dhawaaqista maalgelinta ayaa timid maalin kadib hadallo muran dhaliyay, iyadoo uu Ben-Gvir su’aal galiyay xaaladda Quddus, Wuxuuna muujiyay taageerada uu u hayo dhismaha macbadka Yuhuudda ee Qudus.

Hadalka Ben-Gvir ayaa isla markiiba ku kallifay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu ka jawaabo isagoo leh “ma jiro wax isbeddel ah.”

Sarkaal ka tirsan waaxda Waqafka Islaamiga ah ee Quddus ayaa BBC-da u sheegay, isagoo diiday in magaciisa la shaaciyo, in Israa’iil ay doonayso inay gobolka ka ifiso wasiirradeeda xagjirka ah sida Ben Gvir iyo Eliyahu.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay ka faa’iidaysanayso duruufaha dagaalka iyo shuruucda deg-degga ah si ay xukunkeeda ugu soo rogto qaab “ciidan iyo mid xoog ah,” sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in waxa ka dhacaya barxadda Masjidka Al-Aqsa ay yihiin xad-gudubyo kicinaya dareenka Muslimiinta, taas oo hurinaysa dagaal diimeed ay adag tahay in la saadaaliyo cawaaqibka ka dhalan kara.

Waxa uu tilmaamay in umadda Islaamka iyo Carabtu ay “dayaceen” waajibaadka ka saaran Xarumaha barakeysan, haddii ay ahaan lahayd siyaasad ama mid caalami ah, isaga oo intaa ku daray in ay tahay “Xaq nadiif ah oo ay muslimiintu leeyihiin”.

Mas’uulkan ayaa sheegay in mawqifkooda uu yahay mid adag si ay u ilaashadaan kaalintooda Masjidka Al-Aqsa.

Tani ma ahayn markii ugu horeysay ee Ben-Gvir uu ku baaqayo in Yuhuuda loo ogolaado inay ku cibaadeystaan aagga Al-aqsa. Horaantii bishaan, in ka badan 2,000 oo Yuhuud ah ayaa la galay dhismaha isaga oo kor u taagay calanka Israa’iil si ay u xusaan waxa loogu yeero “burburkii macbadka”, taasoo dhalisay falcelin cambaareyn ah.

Waqtigaas, wuxuu ku dhawaaqay in lagu cibaadeysan doono barxadaha gudaha, taas oo loo arkayay isbeddel cad oo ku yimid heshiisyadii xaaladda taariikheed ee ka mamnuucaya dadka aan muslimka ahayn inay ku cibaadeystaan halkaas oo ay oggolaadaan in Yuhuudda ay booqdaan waqtiyo gaar ah.

Bilihii iyo sannadihii lasoo dhaafay, muuqaallo badan ayaa la faafiyay kuwaas oo muujinaya Yahuudda oo halkaas ku cibaadeysaneysa si ka baxsan heshiisyadii la saxiixay.

Laakiin booliiska Israa’iil ayaa had iyo jeer ku dhawaaqa inay ilaalinayaan xaaladda hadda taagan oo ay ka hortagayaan in tallaabo “sharci darro ah”.

Carabta iyo falcelinta caalamiga ah

Afhayeenka madaxtooyada Falastiin, Nabil Abu Rudeyh, ayaa ku tilmaamay hadalka Ben Gvir inay yihiin kuwo aad khatar u ah, wuxuuna yiri “Al-Aqsa iyo goobaha barakeysan waa khad cas, mana ogolaan doono in gebi ahaanba la taabto.

Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun ayaa ku baaqday mowqif cad oo caalami ah oo ay ku cambaareyneyso, kagana hortageyso isbedel kasta oo ku yimaada xaaladda hadda taagan.

Masar ayaa cambaareysay hadalladaas oo ay u aragtay mas’uuliyad darro, iyadoo ka digtay khatarta sii socota waxa ay ku tilmaantay “xadgudubyada Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa cambaareysay hadalka Ben Gvir, iyadoo ku nuuxnuuxsatay diidmada Boqortooyada Sacuudiga ee hadallada “xagjirnimada iyo kicinta”, waxayna carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in la ixtiraamo heerka taariikhiga ah iyo sharciga ee Masjidka Al-Aqsa.

Qaramada Midoobay ayaa ka faallootay hadalka Ben-Gvir, iyadoo sheegtay inay halis ugu jiraan inay uga sii daraan xaaladdii hore ee kacsanayd iyo inay yihiin “mid aad u liidata”.

Inkasta oo qaar ka mid ah dalalka caalamka laga cambaareeyay Israa’iil, waxaa jira xitaa ka hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid, kuwaas oo dhaleeceeyay Ben-Gvir dhaqdhaqaaqyadii dhawaa, iyo in aagga Al-aqsa laga dhiso Macbad.

Balse khilaafka Israa’iil ee arrintan ayaa ku saabsan ficillada qaar ka mid ah wasiirrada mayalka adag ee xukuumadda Netanyahu.

Isha: BBC



Source link