Mashruuca biyo xireenka Saabuun oo maanta si rasmi ah loo Daah-furay (Sawirro)

Posted on




Munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa si rasmi ah maanta looga daah-furay mashruuca biyo xireenka Sabuun-FAO oo waxtar u leh in ka badan 300-kun oo beeraleey ah.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u daah-furay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeen Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobe Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa gacan ka geysanayo hirgelinta dhismaha mashruucan biyo xireenka ee Saabuun.

“Mashruuca Sabuun-FAO oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah waxaan hubbaa in kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.”ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa u mahadceliyay wafdiga uu hoggaaminayay ku-simaha Ra’iisulwasaaraha iyo wafuuda kale ee ka qeyb gashay daah-furka mashruuca biyo xureenka ee Saabuun.




Source link