Masar oo war cusub ka soo saartay ciidamada la filayo in ay usoo dirto Soomaaliya

Posted on

Qaahira (Wararka Maanta) – Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay dhawaan ciidamo u soo diri doonto Soomaaliya, si ay uga qeyb-qaataan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika.

Masar iyo Soomaaliya ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah. Masar ayaa tan iyo markaas u soo dirtay Muqdisho hub, la-taliyayaal ciidan, tababarayaal iyo kumaandooska la-dagaalanka argagixisada.

Wareysi uu siiyay Al-Qahera News ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto adkeynta ammaankeeda.

“Masar waxa ay diyaar u tahay in ay bixiso gargaar kasta oo ay u baahan karaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka, isagoo farta ku fiiqay dadaallada ciidan iyo iskaashigan sii kordhaya ee saddexda dal.

Kumanaan ka tirsan ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan howlgalka milatari dhammaadka sanadka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u xaqiijisay inay taageereyso imaatinka ciidamada Masar.

Toddobaadki hore, madaxweynaha Masar Cabdifataax El Sisi iyo hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku kulmay magaalada Asmara halkaas oo uu ka dhacay shir madaxeed si weyn loo hadal hayay.

El Sisi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea ayaa sheegay in dalkiisu “uu taageero nooc kasta ah u fidin doono dowladda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya si ay u soo celiso ammaankeeda”

“Waxaan ka wada hadalnay talooyinka wax ku oolka ah si aan u bixinno caawimaaddan,” ayuu raaciyay. “Masar lama hari doonto wax dadaal ah ama talo ah si aan ugu u adeegno ujeedooyinka dadkeena iyo rabitaanka ummadaheena Geeska Afrika.”

Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile.

Ficilada Qaahira ee Soomaaliya iyo xiriirka sii kordhaya ee Eritrea ayaa xoojinaya go’aanka sii kordhaya ee Masar ay ku cadaadineyso Itoobiya inay heshiis ka gasho biya xireenka



Source link