Masar iyo Qatar oo u hanjabay madaxda Xamaas ee dalalkooda ku sugan

Posted on

Dowladaha Qatar iyo Masar ayaa la sheegay inay ugu hanjabeen hoggaanka Xamaas inay la kulmi karaan xarig, xannibaad hantidooda, cunaqabatayn iyo in laga cayriyo Doha oo ay deggan yihiin saraakiisha sare ee Xamas , halkaasoo sidoo kale uu ku yaallo xafiiska siyaasadda ururka.

Arrimahan ayaa ku dhici kara madaxda Xamaas haddii aysan oggalaan soo jeedintii u dambeysay ee Biden ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa, sida uu shaaca ka qaaday wargeyska Mareykanka ah ee Wall Street Journal.

Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Qatar iyo Masar inay wax walba sameeyaan si Xamaas ay u oggalaato heshiiska, halka kooxda Falastiiniyiinta ay shaki badan badan ka qabaan heshiiskaas

Madaxa siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniya ayaa hadal uu soo saaray , wuxuu ku celiyay inaysan qaadan doonin heshiis aan bixinayn dammaanad qaad nabadgalyo oo ay si buuxda u helayaan dadka Qasa, isagoo intaa ku daray inaysan is dhiibi doonin oo ay is difaaci doonaan illaa ay ka helayaan xuquuqdooda sharciga ah.

Maqaal uu qoray wariyaha Bariga Dhexe ee Wall Street Journal, Samar Saciid, ayaa intaa ku daray in Xamaas ay toddobaadkan si adag uga soo horjeesatay nuqul qoran oo ah soo jeedintii ugu dambeysay ee xabbad joojinta.

Kala duwanaanshiyaha yar ee ereyada ku qoran heshiiska la soo bandhigay ayaa noqday qodob ku dheggan wada xaajoodka, gaar ahaan ka dib markii Netanyahu uu ka jawaabay khudbadii Biden iyo in uu xoogga saaray in aan la soo afjarin dagaalka ka hor inta aan la burburin awoodda milatari ee Xamaas.

Madaxda Xamaas ayaa sheegay in Israel ay dooneyso xabad joojin kooban oo lagu sii daayo la heystayaasha ka dibna ay halkeeda ka sii wado dagaalka.

Heshiiska uu soo bandhigay Biden ayaa la sheegay inuusan si cad u qeexeynin in dagaalka la soo afjarayo waana taas mid Xamaas ay u diidan tahay heshiiskan.

Agaasimaha CIA-da William Burns ayaa sidoo kale ka codsaday madaxda Qatar iyo Masar inay ku wargeliyaan hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh in dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan bilaabashada wada xaajoodka xabbad-joojinta oo dhammaystiran toddobaadka saddexaad ee wejiga koowaad ee heshiiska, iyo in la isku afgaran doono qodobbada xabbad-joojinta joogtada ah. toddobaadka shanaad, sida uu sheegayo wargeysku.

Wargeysku wuxuu intaa raaciyay in Haniyeh hanjabaadaha ka dib uu diiday inuu aqbalo soo jeedinta, wuxuuna qeexay in Israa’iil ay bixiso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan xabbad-joojin joogto ah, gaar ahaan ka dib hadalkii Netanyahu ee ahaa inuusan aqbali doonin joojinta dagaalka.

Source link