Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejiyey ciidanka kumandoska Danab (Sawirro)

Posted on




Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta dowladda Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu talagalay ciidamada kumaandooska XDS ee Danab.

Gaadiidkaan ayaa loogu talagalay inay ku howlgalaan guutada 16-aad ee kumaandooska Danab XDS, waxaana Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu kula wareegay Muqdisho.

Sii hayaha xilka safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon, ayaa taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay gaadiidkaan oo ah kuwa dagaalka looguna talagalay CXDS

Dhanka kale Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Dowladda Mareykanka uga mahad-caliyay kaalinta muuqata oo ay ka qaadatay dib u dhiska ciidamada iyo sida ay u garab taaganyihiin ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa dhinaca tababarada, qalabka iyo howlgalada ka taageera ciidanka xooogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kumandoska Danab.




Source link